4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 28, 2021
Diiwaan gelinta Musharaxiinta Aqalka Sare oo maanta Kismaayo ka bilaabaneysa
 

Arbaco, Luulyo, 28, 2021 (HOL) - Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Kismaayo ay ka bilaabato diiwaan gelinta Musharaxiinta u tartamaya Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashooda tahay Jubbaland.

Guddiga doorashooyinka ayaa maanta diiwaan gelinta ku bilaabaya 9 xubnood oo uu shalay soo gudbiyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe.

Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ayaa sidoo kale sheegay in maanta la diiwaan gelinaayo Musharaxiinta Aqalka Sare, islamarkaana bixinayaan lacagta diiwaan gelinta.

Waxay intaasi ku dareen guddiga doorashada Jubbaland in maalinta Khamiista ee berito iney Kismaayo ka dhaceyso doorashada Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa la filayaa in uu noqdo Maamulkii ugu horreeya ee bilaaba doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare, inkastoo maamulada kale ee dalka wali aysan xilligaan u muuqan kuwo doorasho bilaabi kara.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]