3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 25, 2021
Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo magacaabay guddiga u ololeynta iyo xaqiijinta qoondada haweenka
 

Axad, Luulyo, 25, 2021 (HOL) - Ra'iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya,  Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi ka kooban 13 xubnood oo qaabilsan u ololeynta iyo xaqiijinta qoondada haweenka ugu yaraan 30% ee labada aqal ee BFS.

Tallaabadan oo qeyb ka ah dardar galinta qoondada haweenka, ayaa lagu magacaabay 12 xubnood oo haween ah iyo hal xubin oo rag ah.

Golaha wadatashiga qaran ayaa shirkoodii bishii june ee lasoo dhaafay waxay 50% dhimeen qidmada lacageed ee laga qaadayo haweeenka Soomaaliyeed ee u sharraxan barlamaanka labadiisa aqal.

Guddigan waxaa hoggaaminaya Marwo Batuulo Sheikh Gabale Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
7/25/2021 1:01 PM EST
Axad, Luulyo, 25, 2021 (HOL) - Xildhihaan Abiibakar Siciid Cali Gaboobe oo xisbiga Kulmiye uga soo baxay gobolka Awdal, ayaa sheegay in xisbiyada isbahaysiga mucaaradka Somaliland ay u sheegeen in ay siin doonaan $100k hadii uu taageero xubnaha mucaaradku u sharaxeen doorashada shirgudoonka wakiilada.

7/25/2021 9:05 AM EST
Axad, Luulyo, 25, 2021 (HOL) - Shacabka ku dhaqan magaalada Diridhabe ayaa subaxnimadii hore ee maanta isugu soo baxay banaanbax ay ku taageerayeen Ciidamada Qaranka Isla markaana ay kaga soo horjeedeen kooxda TPLF.

7/25/2021 6:44 AM EST
Axad, Luulyo, 25, 2021 (HOL) - Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliya Jenaraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa magacaabay Afhayeenka cusub ee ciidamada Booliiska Soomaaliya.

7/25/2021 5:27 AM EST
Axad, Luulyo, 25, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyeyaal ah oo Xalay lagu garaacay degmada Awdhiigle ee gobolka Sh/hoose.

7/25/2021 5:00 AM EST
Axad, Luulyo, 25, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Cali Saciid Faqi ayaa maanta magacaabay xubnaha Xildhibaanada golaha Wakiilada qabashada doorashada Aqalka Sare.

7/25/2021 2:41 AM EST
Axad, Luulyo, 25, 2021 (HOL) - Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in duqeymaha mareykanka ee lagu bartilmaameedsanayo Al-Shabaab ay xoojinayaan weerarada ka dhanka ah kooxda argagixisada ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

7/25/2021 2:34 AM EST
Axad, Luulyo, 25, 2021 (HOL) - Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka, ayaa soo saaray sharuudaha cabashooyinka aqalka sare, xilli maanta lagu wado in la shaaciyo guddiyada doorashooyinka iyo musharraxiinta aqalka sare.

7/25/2021 2:02 AM EST
Axad, Luulyo, 25, 2021 (HOL) - Taliska ciiddanka booliiska Soomaaliya, ayaa xalay magaalada Muqdisho kusoo bandhigay maleyshiyaadkii ka dambeeyay is-rasaasayn shalay subax ka dhacday Ex-kantarool Afgooye, halkaas oo ay ka dhalatay dhimashada afar qof oo shacab ahaa.