3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 25, 2021
Afhayeen cusub oo loo magacaabay Booliiska Soomaaliya
 

Axad, Luulyo, 25, 2021 (HOL) - Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliya Jenaraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa magacaabay Afhayeenka cusub ee ciidamada Booliiska Soomaaliya.

Afhayeenka cusub ee ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa waxaa loo magacaabay Cabdifataax Aadan Xasan oo horay uga mid ahaa saraakiisha ciidanka Booliiska, waxaana lagu bedalay Sadiiq Aadan Doodishe oo horay u ahaa Afhayeenka Booliiska Soomaaliya.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa magacaabista sarkaalkan cusub ee lagu bedalay afhayeenkii hore ee ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo muddo badan ku magacaawna xilkaasi.

Taliyaha Booliiska Soomaaliya Jenaraal Cabdi Xasan Xijaar ayaa faray afhayeenka cusub ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed inuu si toos ah u guto waajibaadkiisa shaqo ee horyaala.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
7/25/2021 1:01 PM EST
Axad, Luulyo, 25, 2021 (HOL) - Xildhihaan Abiibakar Siciid Cali Gaboobe oo xisbiga Kulmiye uga soo baxay gobolka Awdal, ayaa sheegay in xisbiyada isbahaysiga mucaaradka Somaliland ay u sheegeen in ay siin doonaan $100k hadii uu taageero xubnaha mucaaradku u sharaxeen doorashada shirgudoonka wakiilada.

7/25/2021 9:05 AM EST
Axad, Luulyo, 25, 2021 (HOL) - Shacabka ku dhaqan magaalada Diridhabe ayaa subaxnimadii hore ee maanta isugu soo baxay banaanbax ay ku taageerayeen Ciidamada Qaranka Isla markaana ay kaga soo horjeedeen kooxda TPLF.

7/25/2021 7:48 AM EST
Axad, Luulyo, 25, 2021 (HOL) - Ra'iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi ka kooban 13 xubnood oo qaabilsan u ololeynta iyo xaqiijinta qoondada haweenka ugu yaraan 30% ee labada aqal ee BFS.

7/25/2021 5:27 AM EST
Axad, Luulyo, 25, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyeyaal ah oo Xalay lagu garaacay degmada Awdhiigle ee gobolka Sh/hoose.

7/25/2021 5:00 AM EST
Axad, Luulyo, 25, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Cali Saciid Faqi ayaa maanta magacaabay xubnaha Xildhibaanada golaha Wakiilada qabashada doorashada Aqalka Sare.

7/25/2021 2:41 AM EST
Axad, Luulyo, 25, 2021 (HOL) - Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in duqeymaha mareykanka ee lagu bartilmaameedsanayo Al-Shabaab ay xoojinayaan weerarada ka dhanka ah kooxda argagixisada ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

7/25/2021 2:34 AM EST
Axad, Luulyo, 25, 2021 (HOL) - Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka, ayaa soo saaray sharuudaha cabashooyinka aqalka sare, xilli maanta lagu wado in la shaaciyo guddiyada doorashooyinka iyo musharraxiinta aqalka sare.

7/25/2021 2:02 AM EST
Axad, Luulyo, 25, 2021 (HOL) - Taliska ciiddanka booliiska Soomaaliya, ayaa xalay magaalada Muqdisho kusoo bandhigay maleyshiyaadkii ka dambeeyay is-rasaasayn shalay subax ka dhacday Ex-kantarool Afgooye, halkaas oo ay ka dhalatay dhimashada afar qof oo shacab ahaa.