4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 24, 2021
Bandhiga caalamiga ah ee bugaagta Hargaysa oo maanta Hargaysa ka furmay


Sabti, Luulyo, 24, 2021 (HOL) - Bandhigii 14aad ee Bandhiga Caalamiga ah ee Bugaagta Hargaysa, ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Xarunta Dhaqanka ee Hargaysa, sanadkan waxa bandhiga marti ku ah dalka Itoobiya, halku dhaga sanadkuna waxa weeyaan "jaarnimo".

Agaasimaha Xarunta Dhaqanka ee Hargaysa oo sidookale ah agaasimaha Bandhiga Caalamiga ah ee Bugaagta Hargaysa Jaamac Muuse Jaamac, ayaa soo dhaweeyay dhamaan qoraayada iyo martida kala duwan ee ka qayb galaysa bandhiga.

Wakiilka Itoobiya Somaliland u jooga Siciid Maxammed Jibriil, ayaa sheegay in Somaliland iyo Itoobiya leeyihiin xidhiidh aad u dheer oo dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo dhaqanka ah.

"Somaliland iyo Itoobiya waxay leeyihiin xidhiidh dheer oo dhaqaale, amni, bulsheed iyo dhaqan, bandhigyadan oo kale waxay sii xoojinayaan xidhiidhka labada bulsho, waxayna furayaan gole wax lagu falan qeeyo" ayuu yidhi.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa sheegay in wax qiimo leh ay tahay in dadkeenu bilaabeen in ay  wax qoraan.

"Waxa sharaf inoo ah in dadku bilaabeen in ay wax qoraan, oo bugaag la qoray, taasi oo ah horumar aynu ku talaabsanay, waxa kale oo sharaf inoo ah in aynu buugaagta laftooda saxno, oo aynu eegno in ay yihiin kuwo bulshada isku soo dhawaynaya oo wax usoo kordhinaya" ayuu yidhi.

Gudoomiyaha xisbiga mucaadaradka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Maxammed Cabdillaahi Cirro, ayaa bandhigan ku tilmaamay mid ka turjumaya horumarka Somaliland isla markaana suuqayn u ah Somaliland oo indhaha caalamka kusoo jeedinaya.

Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa sheegay in bandhigani keenayo is dhexgal bulsho, waxaanu sheegay in "jaarnimo" oo ah halku dhaga sanadka uu yahay wax Islaamku qiimeeyo.

"Jaarnimadu guriga kugu xiga ayay ka bilaabanta, sidaa ayay u socotaa ilaa waddanka aad jaarka tihiin, waana wax Islaamku dhiirigaliyay, waxaynu u soconaa in isdhexgalka la xoojiyo oo laga bilaabo dalba dalka uu ku xigo" ayuu yidhi.

Bandhiga Caalamiga ah ee Bugaagta Hargaysa, ayaa markii 14aad ka qabsoomaya magaalada Hargaysa, waxana lagu tilmaamaa bandhiga bugaagta ee ugu wayn Bariga Afrika, iyadoo marti aad u badani sanadkasta kasoo qayb gasho.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]