4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 24, 2021
Xildhibaan Ilhan Cumar oo su'aalo ka keentay duqeymihii Maraykanku ka fuliyay Soomaaliya
 

Sabti, Luulyo, 24, 2021 (HOL) - Xildhibaan Ilhan Cumar oo katirsan aqalka Koongareska Maraykanka, ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in ficil kasta oo militari uu qeyb ka noqdo istiraatiijiyad ballaaran oo diiradda lagu saarayo amniga dadka Soomaaliyeed iyo xasilloonida dowladnimada Soomaaliya.

Xildhibaan Ilhan, ayaa qoraal dheer oo ay soo saartay waxay ku codsatay macluumaad dheeri ah oo ku saabsan duqeyntii cirka ee Mareykanku ka fuliyay toddobaadkii hore gudaha Soomaaliya.

"Sida aan u wajahayno ka hortagga argagixisanimada ee al-Shabaab waxay u baahan tahay  istiraatiijiyad guud iyo siyaasadda ku aaddan Soomaaliya," ayay Ilhan Cumar ku sheegtay warqad u qortay Aqalka Cad jimcihii shalay.

Ilhan Cumar waxay sheegtay toddobaadkan in ay aragtay warbixinno ku saabsan qoysaska rayid Soomaaliyeed oo lagu dilay duqeymo xagga cirka ah oo uu fuliyay Maamulkii Trump, kuwaas oo awoodi waayey inay la xiriiraan mas'uuliyiinta Mareykanka ama ay helaan magdhowgii uu Congress-ka u qoondeeyey .

Hadalka Ilhan Cumar ayaa kusoo beegmay kadib markii Pentagon-ka uu sheegay in duqeymihii shalay iyo midkii ka horeeyay lala bartilmaameedsaday xubno looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin ururka ee Al-Shabaab.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online