4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 22, 2021
Arday sheegtay in la musuq maasuqay deeq waxbarasho oo Jaamacadda Hargaysa hore u siisay
 

Khamiis, Luulyo, 22, 2021 (HOL) - 62 arday oo kasoo kala jeeda dhamaan gobolada Somaliland kuwaasi oo Jaamacadda Hargaysa hore deeq waxbarasho u siisay, ayaa sheegay in jaamacadu ka noqotay deeqdii ay hore usiisay.

Ardayda ayaa sheegay in waxbarashadii bilaashka ahayd ee jaamacaddu u balan qaaday la musuq maasuqay isla markaana maamulka jaamacaddu uu u sheegay in ay lacag iska bixiyaaan hadii ay doonayaan in ay jaamacadda ku biiraan.

"Hadii nala odhan laha aqoontiina idin reebtay waanu qaadan lahay, hadii nala odhan laha akhlaaq diina idin reebtay waanu qaadan lahayn, hadii nala odhan laha shuruudo kale ayaad ku hadheen waanu qadan lahayn, lakinse waxa nasiib daro ah in liiska nalaga saaro iyadoo imtaxaankii Sabtida la galayo" sida waxa yidhi mid kamida ardayda cabanaysa.

Xogeeyaha arrimaha bulshada ee xisbiga Waddani Maxammed Sadiiq Dhame oo ku sugnaa goobta ay ardaydu cabashadooda kusoo bandhigayeen, ayaa madaxweynaha Somaliland ugu baaqay in uu soo fara galiyo cabashada ay ardaydani qabaan.

"Mudane madaxweyne ardaydan aad matasho ee aad u dhaaratay, wasiirkii aad u magacowday iyo waxa isku tuur tuuraya Jaamacadii Hargaysa, markii hore may ahayn arday jaamacadda lacag ku yimid, waa arday la yidhi kaalaya imtaxaan gala, jaamacad ayaa deeq waxbarasho laydinka siinayaa" ayuu yidhi.

Ardaydan oo ka kala timid dhamaan gobolada Somaliland, ayay jaamacadu hore u siisay deeq waxbarasho, waxayna sheegeen in deeqdoodii ay jaamacadu ka noqotay maalin uun kahor xiliga la galayo imtaxaanka galitaanka jaamacadda.

   
Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online