4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 22, 2021
Beelo dega Sool iyo Sanaag oo shir uga socdey Dib-shabeel oo go'aamo laga soo saaray


Khamiis, Luulyo, 22, 2021 (HOL) - Shir beeleedkan oo socdey mudo Bil ah, kuwaas oo ergooyinka ka qaygelayey ay ka kala yimaadeen degmooyinka Ceerigaabo, Laascaanood, Taleex iyo Xuddun oo goobta shirku ka dhacayo ay ka tirsan tahay.

Shirkan ayaa mudadii uu socdey waxaa lagu lafa-guray arimaha ay ka mid yihiin Amaanka, Degaanka, arimaha Bulshada iyo colaado mudooyinkii u dambeeyey degmada Xuddun ka dhacay.

Qodobada shirkaasi ka soo baxay oo uu akhriyey Caaqil Xuseen Aadan Cadde ayaa ku dhawaaqeen in ay qaateen nabadgelyo in ay kula dhaqmaan dadka ay oodwadaagta yihiin.

Degaanka oo ahaa halka ugu muhiimsan ayaa waxaa laga bilaabo  maanta la mamnuucay  magaalaynta dhul daaqsimeedka, sidoo kalena waxaa la joojiyey dhuxulaysiga degaanadooda ka jira, waxaanay Somaliland ka codsadeen  in ay fuliso heshiiskii Adhi-cadeeye ee ahaa in la baabiiyo dhul laysla gartay in aanay degaamayn ku haboonayn.

Sidoo kale waxaa qodobada ka mid ahaa saamiqaybsiga Somaliland oo dhinacyo badan ay ka taabyeen sida shaqaalaha, garsoorka, arimaha bulshada iyo ugu danbayn sii deynta Afhayeenka Beelaha Daarood oo mudo bil ku dhow u xidhan Somaliland.

Cuqaasha beelahaas oo ku dhowaad labaatan ay ka joogeen ayaa waxay sheegeen in shirku weli yahay mid sii soconaya ilaa inta bisha ka hadhay iyadoo ay xuseen in weli ay socdaan qawaaniin beesha lagu dhaqo.

Waxaan iyada go'aan laga soo saarin sida laga yeelayo colaad dhiig badan ku daatay oo si aad ah loo filaayey in go'aamada ay qayb ka noqdaan walow ay hadalka masuuliyiinta ay ku xuseen in aanay weli hayn wadadii ay kaga hagaagi lahaayeen.

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo soo gabagabeeyey ayaa si buuxda u sheegay in go'aanadan ay yihiin kuwo laysku raacay oo degaankaas in lagu maamulo laysla gartay.

Seynab Cabdi Warsame , Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood