4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 22, 2021
Widhwidh oo kulmisay Madax dhaqameedkii ugu badnaa Caleemasaarka Garaad Maxamed Garaad Abshir


Khamiis, Luulyo, 22, 2021 (HOL) - Magaalada Widhwidh oo Laascaanood 100Km ku dhowaad u jirta dhinaca waqooyi kaga aadan ayaa waxaa saaka ka bilaabmay caleemasaarka Garaad Maxamed Garaad Abshir Saalax oo beesha degaankaasi isla garteen inuu bedelo Aabihii oo geeriyoodey.

Wufuud kala duwan oo ka yimi degaano ay ka mid yihiin Puntland, Somaliland, Itoobiya iyo degaano kale, kuwaas oo isugu jirey Madax-dhaqameed, Siyaasiyiin iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Munaasibadan oo ah mid qaban qaabadeedu socotey bilihii la soo dhaafay ayaa ka qayb galayaashu ay si aad ah ugu mashquuleen barbaarta hidaha iyo dhaqanka ee goobtaas ciyaaraha muuqaalka gaarka ah u sameeyey barxada goobta Caleemasaarka.

Si kataba ha ahaatee waxaa haatan socda qudbadihii, iyadoo laga cabsi qabo xiliga ay bilaabmaan khudbadaha siyaasiyiinta oo kala aragtida duwan ee madashu kulmisay.

Seynab Cabdi Warsame,  Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood G. Sool