4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 22, 2021
Kooxda Kubadda Koleyga Milwaukee Bucks oo 50 sano kadib ku guuleystay koobka NBA-da Mareykanka


Khamiis, Luulyo, 22, 2021 (HOL) - Kooxda Bucks ee ka dhisan magaalada Milwaukee ee gobalka Wisconsin ayaa mudo 50 sano ah kadib ku guuleystay koobka NBA-da Mareykanka, ka gadaal markii ay garaaceen kooxda Phoenix Suns oo iyaduna ka dhisan gobalka Arizona ee ku yaallo galbeedka Mareykanka.

Tartankaan oo ciyaaraha ogu dambeyo dhowr mar la dheelo, ayaa Bucks waxay si weyn oga adkaatay Suns lixdii (6) kulan ee dhawaan ay wada ciyaareen.

Hanashada horyaalka iyo guusha ay gaareen ayaa ka dhigeyso kooxdaan oo la aas-aasay sannadii 1968-dii iney markii labaad hantiyaan koobkaan oo markii hore ay ku guuleysteen sannadii 1971-dii.

Laacibka u dhashay wadanka Giriiga ee u ciyaaro kooxda Bucks, Giannis Antetokounmpo ayaa ku guuleysto koobkisii ugu horeeyay taariikhda, waxaana loo magacaabay ciyaaryahanka ugu wanaagsan ka dib markii uu 50 dhibcood ka dhaliyay kulankii 6-aad ee finalka oo koobka ay ku qaadeen.

Dhanka kale laamaha ammaanka ayaa sheegay iney baarayaan toogasho dhacday kadib guushii Bucks, iyadoo warbaahinta qaarna ay tabiyeen in saddex (3) qof oo dhaawacyo rasaaseed qabo la dhigay Isbitaalka.

Booliiska ayaa caddeeyay in dhaawacyadu aysan ahayn kuwo halis ah, sidoo kale laammaha amnigu waxay sheegeen in hal qof loo xiray toogashadaas, tuhmanayaal kalena lagu raad-joogo.

“ Laba toogasho oo subaxnimadii hore ee Arbacada ka dhacday magaalada Milwaukee ayaa sababtay dhaawaca seddex qof xilli dad badan ay u dabaaldagayeen guusha kooxda Bucks”, ayaa lagu yiri warbixin lagu qoray Joornaalka gobolka Wisconsin ee lagu magacaabo Wisconsin State Journal.

Ugu dambeyn gobalka Wisconsin, ayaa si weyn looga dabaal dagay waxaana damaashaadka guushaas uu ka dhacay magaalooyinka waa weyn ee gobalkaan sida:- Milwaukee, Green Bay, Kenosha, Appleton, Janesville iyo magaalo madaxda gobalkaas ee Madison.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected]