3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 22, 2021
Galmudug oo shaaciysay inuu isku soo dhiibay sarkaal ka tirsan Al-shabaab
 

Khamiis, Luulyo, 22, 2021 (HOL) - Taliska ciidamada Daraawiishta maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegay inuu isku soo dhiibay sarkaal sare oo la sheegay inuu ka tirsana dagaalamayaasha Al-shabaab.

Taliyaha Galmudug ugu magacaaban la dagaalanka argagaxisada Geedi Qalabxoor ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in sarkaal lagu magacaabo Dalabeey Cabdi Macalin uu isku soo dhiibay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyee ee ku sugan deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug.

Taliye Geedi ayaa sidoo kale sheegay iney jiraan saraakiil kale oo ka tirsan Al-shabaab oo lasoo xiriiray ciidanka dowladda kuwaas oo doonaya iney isaga soo tagaan Al-shabaab.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud ee maamulka Galmudug waxaa mudooyinkii dambe ka socday dagaalo culus oo u dhaxmaraayay ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Fedaraalka oo iskaashanaya iyo kuwa Al-shabaab.

Dhinaca kale madaxtooyada maamulka Galmudug ayaa warsaxafadeed ay soo saartay kaga hadashay howlgalada ka socda deegaanada Mudug iyo waliba dagaalada dhexmaray Galmudug iyo Al-shabaab.

Warsaxafadeedka kasoo baxay madaxtooyada Galmudug ayay guulo kaga sheegatay Galmudug dagaalada dhexmaray iyaga oo kaashanaya ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Al-shabaab.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
7/22/2021 11:33 AM EST
Khamiis, Luulyo, 22, 2021 (HOL) - 62 arday oo kasoo kala jeeda dhamaan gobolada Somaliland kuwaasi oo Jaamacadda Hargaysa hore deeq waxbarasho u siisay, ayaa sheegay in jaamacadu ka noqotay deeqdii ay hore usiisay.

7/22/2021 9:14 AM EST
Khamiis, Luulyo, 22, 2021 (HOL) - Wasaaradda waxbarashada dowladda federalka Soomaaliya ayaa goor dhowayd shaacisay natiijada imtixaankii shahaadiga fasalka 12-aad sanad dugsiyeedka 2020/2021.

7/22/2021 7:52 AM EST
Khamiis, Luulyo, 22, 2021 (HOL) - Shir beeleedkan oo socdey mudo Bil ah, kuwaas oo ergooyinka ka qaygelayey ay ka kala yimaadeen degmooyinka Ceerigaabo, Laascaanood, Taleex iyo Xuddun oo goobta shirku ka dhacayo ay ka tirsan tahay.

7/22/2021 7:06 AM EST
Khamiis, Luulyo, 22, 2021 (HOL) - Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Xasan Xuseen Xaaji oo uu wehliyo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq, ayaa qaabilay dhiggiisa Ireland Simon Coveney, oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho.

7/22/2021 5:30 AM EST
Khamiis, Luulyo, 22, 2021 (HOL) - Magaalada Widhwidh oo Laascaanood 100Km. ku dhowaad u jirta dhinaca waqooyi kaga aadan ayaa waxaa saaka ka bilaabmay caleemasaarka Garaad Maxamed Garaad Abshir Saalax oo beesha degaankaasi isla garteen inuu bedelo Aabihii oo geeriyoodey.

7/22/2021 1:55 AM EST
Khamiis, Luulyo, 22, 2021 (HOL) - Maamulka Duulista Hawada ee Kenya ayaa sheegay inay bilaabeen baaritaano la xiriira diyaarad ku dhacday xero militari oo ku taal magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo. Iyadoo ay saarnaayeen 45 rakaab ah.

7/22/2021 1:43 AM EST
Khamiis, Luulyo, 22, 2021 (HOL) - Warbaahinta rasmiga ah ee ururka Daacish qeybtooda Soomaaliya, ayaa daacday sawirro ku saabsan dagaalamayaasha Daacish iyo saraakiishooda oo ku sugan deegaano katirsan gudaha Puntland.

7/22/2021 1:09 AM EST
Khamiis, Luulyo, 22, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay arinta gobolada Waqooyi ee Somaliland oo uu ka taagan yahay khilaaf dhaliyay in laba garab ay u kala jabaan xubnaha matalaayay gobolada Waqooyi.

7/22/2021 1:02 AM EST
Khamiis, Luulyo, 22, 2021 (HOL) - Kooxda Bucks ee ka dhisan magaalada Milwaukee ee gobalka Wisconsin ayaa mudo 50 sano ah kadib ku guuleystay koobka NBA-da Mareykanka, ka gadaal markii ay garaaceen kooxda Phoenix Suns oo iyaduna ka dhisan gobalka Arizona ee ku yaallo galbeedka Mareykanka.