4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 21, 2021
Raysal wasaare Rooble: Ma dhicidoonto in dano siyaasadeed loo xanibo muwaadiniinta Soomaaliyeed
 

Arbaco, Luulyo, 21, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka guddoomay Guddiga Dib u heshiisiinta Gobolka Gedo nuqulka warbixintii ay ka soo diyaariyeen Gobolka Gedo, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in degdeg loo dhaqan geliyo dhammaan qodobbada ay soo saareen Guddigu.

Ra’iisul Wasaaraha oo dul istaagay nuxurka warbixinta oo xal u ah caqabadaha amni, siyaasadeed iyo arrimaha bulshada ee Gobolka, ayaa  faray laamaha socdaalka JFS in aan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u kala safraya dalka loo xannibi Karin sababo siyaasadeed.

“Waxaa isoo gaartay marar kala duwan cabashooyin la xiriira muwaadiniin looga xannibay socdaalkooda sababo siyaasadeed taas oo ah arrin aan la qaadan Karin, sidaas awgeed waxaan farayaa Hay’adda Socdaalka in aysan mar kale soo laaban arrimahaas, ciddii ku kacdana waxa ay mudan tahay xisaab.” ayuu yiri Rooble

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay si degdeg ah uga jawaabaan baahiya nololeed ee ka jira Gobolka Gedo, kuwaas oo ay soo gudbiyeen Guddiga dib u heshiisiinta ee dhawaan kormeeray Gobolkaas.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Guddiga Dib u Heshiisiinta Gobolka Gedo sida howlkarnimada ah ee ay uga soo dhalaaleen masuuliyaddii loo xilsaaray, waxa uuna sheegay in uu u gudbin doono Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online