4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 21, 2021
Shil dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay degmada Xamaas
 

Arbaco, Luulyo, 21, 2021 (HOL) - Hal qof ayaa ku nafwaayay shan kalena way ku dhaawacmeen shil baabuur oo ka dhacay degmada Xamaas oo ku taala jidka u dhexeeya Hargaysa iyo Berbera.

Baabuurkan oo siday dad doonayay in ay kusoo dalxiisaan magaalada Berbera maalmaha ciida, ayaa shilka galay kadib markii taayir u baxay sidaana uu ku qalibmay.

Afar kamida dadka ay dhaawacyadu soo gaadheen ayaa lagu soo waramayaa in xaaladuudo culustay, waxaana lagula tacaalayaa isbitaalka magaalada Berbera ee gobolka Saaxil.

Shilalka baabuurta ayaa kor u kaca maalmaha ay jiraan munaasibbadaha gaar ka ah sida ciidaha, madaama ay jiraan dhalinyaro badan oo iskaga kala gooshaya gobolada si ay usoo dalxiisan, kuwaaso qaarkood xawaare sare kuwadaan baabuurta.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan online