4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 21, 2021
Diyaarad siday dad badan oo rikaab ahaa oo ku dhacday gobolka Gedo
 

Arbaco, Luulyo, 21, 2021 (HOL) - Diyaarad siday dad rikaab ah oo goordhaw ku dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kaasoo la sheegay inuu muddooyinkii dambe ahaa midaan shaqeyneen.

Diyaraadan ayaa la sheegay in laga leeyahay dalka Kenya waxaana leh shirkadda lagu magacaabo Skyward Express taasoo ka soo duushay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

45 ruux ayaa la sheegay iney saarnayeen diyaaradan, iyadoona ujeedkeedu ahaa iney ku degto degmada Elwak ee ismaamulka Mandhera sida ay warbaahinta u sheegeen ilo lagu kalsoonaan karo.

Rikaabkii saarnaa diyaarada ayaa la xaqiijiyay in dhamaantood ay nabad qabaan, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in diyaaradan ku dhacdo garoonka, walow la sheegay inuu garoonka muddooyinkii dambe uu ahaa mid xirnaa, iyadoo wararka qaarna ay sheegayaan in diyaarada ay cagaha u bixi waayeen.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Gedo oo ku aadan diyaarada siday rikaabka ee maanta ku dhacday garoonka diyaaradaha Ceelwaaq.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]