4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 20, 2021
Jighiga oo maanta si wayn looga ciiday
 

Talaado, Luulyo, 20, 2021 (HOL) - Iyadoo maanta dunida muslimka ah laga xusayo ciidda ciidul adxaha ayaa maanta waxaa si wayn looga ciiday magaalada Jigjiga ee Caasimadda degaanka Soomaalida.

Haddaba garoonka kubadda cagta ee Jigjiga ayaa saaka xilli hore dadku isugu soo baxeen garoonka kubadda cagta ee Jigjiga, si ay u tukadaan labada rakcadood ee Ciidda.

Madaxwaynaha degaanka Mustafe cagjar iyo masuuliyiinta xukuumadiisa ayaa dhankooda shacabka kala qayb qaatay munaasabaddii ciidda, iyadoo madaxwaynuhu uu halkaa ugu hambalyeeyay shacabka muslimiinta munaasabadda ciidda.

Dhinaca kale shacabka dhankooda waxaa ka muuqatay farxadda ciidda, iyadoo dadku ay isugu hambalyaynayeen munaasabaddii Ciidda.

Ciidda ayaa kusoo hagaagtay xilli degaanka Soomaalida uu ka jiro sicir bar dhan walba ah, taasina ay keentay inaysan dadku sidii la rabay aysan u ciidin maciishada iyo noloshii kale oo kacday awgeed.

Gobolada iyo degmooyinka degaanka ayaa iyaguna si wayn looga ciiday maanta.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]