4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 19, 2021
Somaliland: Hablo u xidhnaa calanka Soomaaliya oo xabsiga laga sii daayay
 

Isniin, Luulyo, 19, 2021 (HOL) - Waxa xabsiga dhexe ee magaalada Gabilay laga siidaayay 35 hablood oo magaalada Gabilay ugu xidhnaa in ay calanka Soomaaliya lasoo baxeen munaasibadii 26 Juun.

Hablahan oo laga soo xidhay magaalada Boorama ee xarunta gobolkan Awdal ayaa xabsiga Gabilay ku xidhnaa muddo 22 cisho ah, iyagoo ku eedaysnaa in ay qaateen qaar koodna ku labisteen calankan soomaaliya oo qaadashadiisu Somaliland danbi ka tahay.

Ururada xuquuqal insaanka Somaliland ayaa marar kala duwan baaq kasoo saaray xadhigooda iyagoo ku baaqay in lasii daayo, waxana ugu danbeeysay xarunta xuquuqal insaanka madaxa bannaan ee Somaliland oo shalay xukuumada ugu baaqday in ay siidayso hablaha.

Hablaha ayaan wax maxkamad ah la horgayn tan iyo 26 bisha Juun oo laga soo xidhay magaalada Boorama ee gobolka Awdal markaasi oo si dhakhso ah badankooda loogu soo gudbiyay xabsiga Gabilay.

Eedeysanayaasha gobolka Awdal loogu xidhay qaadashada calankan Soomaaliya, ayaa tiradoodu guud dhantahay 42 qof oo 35 kamid ah lagu hayay xabsiga Gabilay halka 7 haydhay lagu reebay xabsiga magaalada Boorama.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan online
[email protected]