4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 19, 2021
Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida oo ka hadlay sababta ay ciidamada ugu direen dagaalka waqooyiga Itoobiya
 

Isniin, Luulyo, 19, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad deegaanka Itoobiya Mustafe Muxamed Cagjar ayaa ka hadlay ujeedada uu maamulkiisa ciidamo ugu diray waqooyiga Itoobiya, halkaas oo uu ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah jabhadda Tigreega

Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) oo la hadlay BBC Soomaali ayaa sheegay in dowladda dhexe Itoobiya uu uga yimid codsi ku aadan in dowlad deegaannada dalka ay ka qeyb qaataan dagaalka jabhadda TPLF.

Cagjar wuxuu sheegay qorshaha TPLF inuu yahay inay dumiyaan dowladda dhexe Itoobiya, dibna usoo celiyaan dhibaatooyinkii ay bulshada ku hayeen.

"Tagitaankooda waxay la xiriirtaa baaq ka yimid dowladda dhexe gaar ahaan rai'sul wasaaraha ee ahaa in laga qeyb qaato difaaca guud ee looga hortagayo kooxda argagixisada ee TPLF oo qorshaheedu yahay inay dumiso nidaamka hadda jira," ayuu yiri Madaxweyne Mustafe.

Wuxuu sheegay madaxweynuhu cid kaste oo ka hor timaada qorshaha ay ciidamada ugu direen waqooyiga Itoobiya in ay qeyb ka yihiin dadka taageersan dhibaatada jabhadda TPLF ku haysay gobolkiisa.

Madaxwaynaha deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka ay direen uusna ahayn ciidan wax u dhimaya howlihii amniga ee ay ka hayeen deegaanka oo aysan kaalintooda banaanaan doonin.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online