4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 18, 2021
Guddiga dib u heshiisiinta Gedo oo gaaray magaalada Kismaayo lana kulmay madaxweyne ku xigeenka Jubbaland
 

Axad, Luulyo, 18, 2021 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa magaalada Kismaayo kusoo dhoweeyay guddiga xalinta khilafaadka arrimaha gobolka Gedo oo soo gabagabeeyay safarkoodii Garbahaareey.

Guddiga oo ka kooban wasiiro ka kala socda dowlad Goboleedyada marka laga reebo Jubbaland, ayaa u tagay  Kismaayo si ay ula kulmaan masuuliyiinta iyo madaxda Jubbaland, Odayaasha dhaqanka, iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolka Gedo ee ku sugan Kismaayo.

Guddiga dib u heshiisiinta gobolka Gedo ayaa madaxwayne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland uga warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay mudadii ay ku sugnaayeen magaalada Garbahaarrey.

Shalay galabtii ayay ahayd markii magaalada Garbahaareey uu ka dhacay shir bulshada Garbahaareey kusoo gudbinayeen xubno ay soo jeediyeen in loo magacaabo maamulka degmada Garbahaareey sida uu dhigayo heshiiska doorashooyinka qeybtiisa arrimaha Gedo.

Guddiga ayaa Kismaayo geeyay magacyada dhowr qof oo laga doonaya in madaxweynaha Jubbaland uu usoo magacaabo maamulka Garabahaareey. Waxaana la filayaa in maalmaha soo socda si rasmi ah loo shaaciyo.

Arrimaha Gedo waxay ahaayeen caqabadihii ugu waaweynaa ee fashiliyay shirarkii arrimaha doorashooyinka ee ka dhacay Dhuusomareeb iyo Muqdisho, intii uu madaxweyne Farmaajo shirarkaas qeybta ka ahaa.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online