4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 17, 2021
Cabinaasir Qodax "Shirweyne uunbaa laygaga qaadi kara xilka"
 

Sabti, Luulyo, 17, 2021 (HOL) - Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), ayaa waraysi uu MM TV siiyay ku sheegay in xisbiga UCID aanu ka qaadi karin xubinimada xisbiga.

Cabdinaasir oo xisbiga UCID uu sheegay in xisbiga laga caydhiyey, ayaa sharci daro ku tilmaamay go'aanka uu xisbigiisu gaadhay.

"Waxan u arkaa arrin sharci daro ah, oo shirwayne uun baa laygaga qaadi kara xilka" ayuu yidhi Qodax.

"Gole dhexe iyo gudi fulina igama qaadi karto waad soo akhriyigi kartaa xeerarka xisbiga" ayuu hadalkiisa ku daray.

Qodax ayaa ku andacooday in ay xaq u leeyihiin in ay isbahaysi la samaystaan xisbiga ay doonaan.

"Waxan u arkaa in aanu u leenahay xaq siyaasi ah" ayuu yidhi.

Qodax oo xisbiga UCID ku eedeeyay in uu faafiyay sirta xisbiga, ayaa diiday in uu wax sir ah faafiyay.

"Anuu sir xisbi maan soo ban dhigin waxan soo ban dhigay uun aragtida aan ka qabo hogaankii hogaamin laha wakiilada" ayuu yidhi.

Xisbiga UCID ayaa sheegay in ay eryeen xildhibaan Qodax oo aha xogeeye ku xigeenkii xisbiga iyo xildhibaan xisbiga kasoo baxay.

Sababta Qodax xisbiga looga eryay, ayaa ah in isaga iyo xildhibaano uu wataa ay heshiis isbahaysi la galeen xisbiga Kulmiye.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]