4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 17, 2021
Tartankii Gabayada Buuhoodle oo lasoo gaba-ganoobey iyadoo lagu dhawaaqay sadexda xubnood ee u sareeysa


Sabti, Luulyo, 17, 2021 (HOL) - Gudiga maamulaysa tartanka gabayada oo maalmihii la soo dhaafay ka socdey magaalada Buuhoodle ayaa lagu dhawaaqay sedexda xubnood ee ku guulaystey kaalmaha u horeeya.

Tartankan oo ay ka qayb qaadanayeen 32 xubnood oo sadex ka mid ah ay ahaayeen gabdho yihiin ayaa waxaa kaalinta koowaad ku guulaystey Cabdilaahi Faarax Oda'waa iyadoo la gudoonsiiyey shahaado iyo lacag abaalmarin ah oo 1000 Doolar ah.

Cabdirashiid Axmed Yuusuf ayaa isagana kaalinta 3aad ku guulaystey halka Khadar Maxamuud Cismaan kaalinta 2aad ku guulaytey kuwaas oo 500 iyo 700 oo Doolar lagu abaal mariyey.

Munaasibada oo ay soo qabanqaabiyeen urur dhalinyaro ah oo lagu magcaabo Qaryadaada Quruxso ayaa waxa ka hadlay masuuliyiin, abwaano iyo waxgarad oo dhamaantood talaabadan ku tilmaamay mid aad loogu baahan yahay dhiiri gelina u ah da'yarta soo koraysa walow ay kaalmihii soo baxay aysan gabdhihii ka muuqan taas oo dadka qaarkii jeclaysteen in la xuso inay qurux badnayd.

Munaasibadan oo si aad ah u ruxday magaalada Buuhoodle ayaa si aad waxaa loo hadal hayaa dhacdooyinkii goobtaasi ka dhacay.

Si kastaba ha ahaatee guul inuu ku soo dhamaaday ayaa laysla gartay waxaase si aad ah loo hadal hayaa xubno muhiim u ahaa aqoonta suugaanta oo garsoorka laga reebay, taasna waxaa la filayaa  in xiliyada soo socda ay saxmi doonaan.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood G. Sool