4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 17, 2021
Xisbiga UCID oo xubinimadii xisbiga ka qaaday xogeeye ku xigeenkii xisbiga
 

Sabti, Luulyo, 17, 2021 (HOL) - Xisbiga UCID ayaa xubinimadii iyo xilkiiba ka qaaday Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), oo ahaa xogeeye ku xigeenkii xisbiga UCID kadib markii isaga iyo xildhibaanu uu hogaaminaya isbahaysi la samaysten xisbiga Kulmiye.

Qodax ayaa xisbiga laga saaray kadib markii isaga iyo xildhibaano uu hogaaminayaa ka baxeen isbahaysigi mucaaradka iyagoo Kulmiye kula heshiiyay isbahaysi siyaasadeed.

Afhayeen u hadlay xisbiga UCID, ayaa si rasmi ah u caddeeyay in Qodax laga caydhiyay xisbiga UCID.

"Xisbigu wuxuu xilkii ka qaaday xogeeye ku xigeenkii xisbiga Qodax, isagoo u cuskaday qodobka 7aad farqadisa 1aad, 2aad, 3aad, 4aad iyo 8aad" ayuu yidhi.

Afhayeenka ayaa ku andacooday in Qodax iyo xildhibaanada uu hogaaminaya ay ku xad gudbeen wixii bulshadu ugu codaysay oo ah is badal.

Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), ayaa ahaa xogeeye ku xigeenkii xisbiga UCID isla markaana waa xildhibaan kasoo baxay xisbiga UCID.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online