4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 16, 2021
Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay jadwalka doorashada Labada Gole ee Baarlamaanka
 

Jimco, Luulyo, 16, 2021 (HOL) - Guddiga hirgalinta doorashooyinka ayaa war-saxaafadeed ka soo baxay lagu sheegay Shaacinta Jadwalka Guud ee Doorashada Baarlamaanka Labada Aqal ee  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS)  2020/2021.

Jadwalka waxaa ku cad in laga billaabo Sabtida berri ah ee 17 ilaa 23 July, 2021 la soo gudbin doono liiska musharrixiinta Aqalka sare,iyadoo liiska kama dambeysta la shaacin doono 24 July.

Doorashada Aqalka sare, waxaa la qabanayaa  25 ilaa 28 bishan July ,2021 , sida guddiga uu ku sheegay jadwalka.

“Si waafaqsan mas'uuliyadda Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal (GDHF) ka saaran hirgelinta doorashooyin degdeg ah, waqtigooda ku dhaca, xor iyo xalaal ah iyo baahida loo qabo in la bilaabo geeddi-socodka doorashooyinka iyada oo laga hor tegayo dib u dhac dambe, GHDHF wuxuu shaacinayaa jadwalka ugu dambeeya ee doorashooyinka iyadoo la raacayo shaxda doorashada 29 Juun, habraacyaddii 17 Sebtember iyo 27 Maajo lagu heshiiyay oo ay si wada jir ah u wada saxiixeen dhammaan madaxda maamullada Dowlada federaalka Soomaaliya.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Doorashada Soomaaliya oo dhowr mar dib u dhacday, ayaa jadwalka iyo dadaallada guddiga wali meesha kama saarin wal walka laga qabo dib u dhac yimaada.


Iman Jama, Hiiraan Online
[email protected]