4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 16, 2021
Guddiga hirgalinta doorashooyinka Jubbaland oo barlamaanka Jubbaland ugu baaqay inuu magacaabo guddiga doorashada aqalka sare
 

Jimco, Luulyo, 16, 2021 (HOL) - Guddiga hirgalinta doorashooyinka Jubbaland, ayaa maanta war-saxaafadeed qabtay ay ku sharraxayaan halka ay wax marayaan iyo shaqooyinkii u qabsoomay muddadii uu guddigu jiray.

Guddiga ayaa soo saaray qodobo dhowr ah, waxayna barlamaanka Jubbaland ugu baaqeen in ay magacaabaan guddiga doorashada aqalka sare oo ah doorashada ugu soo horaysa ee dhawaan bilaabanaysa.

Guddiga doorashada ayaa dhawaan tagay magaalada Kismaayo, iyagoo ka bilaabay kulamo loogu diyaar garoobayo doorashooyinka dalka.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online