4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 15, 2021
Xukuumada Somaliland oo ruqsadii kala noqotay shirkada Integrated Shipping Services
 

Khamiis, Luulyo, 15, 2021 (HOL) - Wasaarada ganacsiga Somaliland, ayaa ruqsadi kala noqotay shirkada Integrated Shipping Services, oo ah shirkad ka shaqaysa koontiinarada iyo maraakiibta.

Shirkada ayaa lagu eedeeyay in ay amar la'aan dekeda Berbera galisay madaxa shirkada Ethiopian Shipping and Logistics Services Interprise.

Shirkada Integrated Shipping Services, ayaa dhawaan dekeda Berbera keentay markabka Gabe oo Itoobiya laga leeyahay oo ay wakiil ka ahayd.

Hoos ka akhriso wareegtada wasaarada ganacsiga oo dhamaystiran:-



Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]