3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 15, 2021
Maxammed Abiib "Waxa la yaableh in qofka Borama lagu xidhaba Madheera loo qaado"
 

Khamiis, Luulyo, 15, 2021 (HOL) - Maxammed Abiib oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ee cusub, ayaa xukuumada ku eedeyay in dadka reer Borama ee la xidho, ay xabsiyo kale gayso.

Xildhibaan ka oo ka hadlaya dhalinyaro calanka Soomaaliya oo ay qaateen loogu xidhay magaalada Borama, ayaa sheegay in la geeyay xabsiyo gobolo kale ku yaal halkii xabsiyad Borama lagu xidhi laha.

"Qofkasta oo calanka Soomaaliya lasoo baxa waa la xidhi jiray lakin waxa la yaableh in qofka Borama lagu xidhaba Madheera loo qaado" ayuu yidhi.

"Ma xabsiyadi gobolka Awdal baa la baabiiyay?, sababta gobol kasta xabsi loogu sameeyay waa in qofka halka ugu dhaw lagu xidho" ayuu hadalkiisa ku daray.

Maxamed Abiib ayaa madaxweyne Biixi ugu baaqay in uu dhalinyarada calanka Soomaaliya u xidhan ku celiyo xabsiyada Awdal.

"Madaxweyne dhalinyarada yar yar ku celi magaaladoodi oo ehel kooda ka ag dhawee" ayuu yidhi.

Dhalinyaro hablo u badan oo 26 Juun calanka Soomaaliya oo ay soo qaateen loogu xidhay magaalada Boorama, ayaa loo gudbiyay xabsiyo ka baxsan gobolka Awdal.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]














Click here
7/15/2021 11:58 AM EST
Khamiis, Luulyo, 15, 2021 (HOL) - Wasaarada ganacsiga Somaliland, ayaa ruqsadi kala noqotay shirkada Integrated Shipping Services, oo ah shirkad ka shaqaysa koontiinarada iyo maraakiibta.

7/15/2021 8:34 AM EST
Khamiis, Luulyo, 15, 2021 (HOL) - Wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay dhammaan xarumihii kooxda Daacish ay ku lahaayeen gudaha Puntland, kadib markii ciidamada amnigu ay qaadeen howlgal socday muddo labo todobaad ah.

7/15/2021 8:26 AM EST
Khamiis, Luulyo, 15, 2021 (HOL) - 32 tartame ayaa ka qaybgelaya oo sadex ka mid ahi tahay dumar tartanka gabayada oo maanta ka furmay xarunta Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Buuhoodle.

7/15/2021 7:16 AM EST
Khamiis, Luulyo, 15, 2021 (HOL) - Waxaa maanta lagu aasay qabuuraha Faafgumare oo ku yaala duuleedka magaalada Baledweyne, allah u naxariiste Macalin Cumar Macalin Muxumed oo ahaa macalin dugsi quraan oo u dhintay sun ay raashiin ugu dartay mid ka mid ah xaasaskiisa.

7/15/2021 7:05 AM EST
Khamiis, Luulyo, 15, 2021 (HOL) - Dr Adna Aadan Ismaaciil, ayaa sharci daro ku tilmaantay dhakhaatiir isbitaal keeda ka howl gala oo madaarka Aadan Cadde dib looga soo celiyay basboorka Somaliland oo ay ku safrayeen dartii.

7/15/2021 6:54 AM EST
Khamiis, Luulyo, 15, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in maxkamada sare ee dalka ay gali doonto cabasho kaste oo lagasoo gudbiyo go'aanada ay qaataan guddiyada Doorashooyinka.

7/15/2021 3:28 AM EST
Khamiis, Luulyo, 15, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in weerar madaafiic ah lagu qaaday Saldhiga ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin degmadaasi.

7/15/2021 3:18 AM EST
Khamiis, Luulyo, 15, 2021 (HOL) - Shir ay isugu yimaadeen Wasaaradda Waxbarashadda Soomaaliya, Wasaaraddaha Waxbarshashadda dowlad goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa lagu soo geba-gabeeyay Magaaladda Garowe Caasimadda Puntland.

7/15/2021 1:58 AM EST
Khamiis, Luulyo, 15, 2021 (HOL) - Waxaa Xalay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ka dhacay dhacdo naxdin leh oo si aad ah saaka looga hadal haayo magaalada Baledweyne kadib markii haweeney ninkeeda ay siisay raashiin sumeysan.

7/15/2021 1:51 AM EST
Khamiis, Luulyo, 15, 2021 (HOL) - Maamulka Jubbaland ayaa xukun dil ah ku fuliyay Xusseen Aadan Cali, oo kufsi u geystay Gacalo Ismaaciil Cabdullaahi oo ahayd gabadh saddex jir ah oo markii dambe u geeriyootay dhaawac kasoo gaaray kufsi loo geystay.