4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 15, 2021
Dadweyne fara badan oo ka qeyb galay Aaska Macalin dugsi Quran oo xaaskiisa dishay iyo Booliiska Baledweyne oo ka hadlay

Khamiis, Luulyo, 15, 2021 (HOL) - Waxaa maanta lagu aasay qabuuraha Faafgumare oo ku yaala duuleedka magaalada Baledweyne, allah u naxariiste Macalin Cumar Macalin Muxumed oo ahaa macalin dugsi quraan oo u dhintay sun ay raashiin ugu dartay mid ka mid ah xaasaskiisa.

Aaska marxuumka ayaa waxaa ka qeyb galay boqolaal dadweyne ah oo isugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Baledweyne, maadama Macalinka uu ahaa shaqsi si weyn looga yaqaanay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale taliska ciidanka Booliiska Baledweyne ayaa dhankooda sheegay iney gacanta ku hayaan haweneydii falka dilka geystay iyo labo wiil oo dhalinyaro ah oo u fududeeyay dhacdadan amakaaka ku reebtay shacabka reer Baledweyne.

Taliyaha saldhiga Maxamed Qoorsheel ayaa sheegay in haweneyda dilka u adeegsatay sunta nooca ugu halista badan.

Taliye Qoorsheel ayaa sidoo kale digniin adag u diray ganacsata iibisa sunta halista badan ineysan dadka ka iibin karin iyagoon ogolaasho ka helin laamaha amniga Baledweyne.

Dhacdadan Xalay lagu dilay allah u naxariistee Macalin Cumar Macalin Muxumed ayaa ah mid si weyn maanta looga hadal haayo magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]