4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 15, 2021
Maxkamada sare ee Soomaaliya oo sheegtay in ay galayso dacwadaha doorashooyinka
 

Khamiis, Luulyo, 15, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in maxkamada sare ee dalka ay gali doonto cabasho kaste oo lagasoo gudbiyo go'aanada ay qaataan guddiyada Doorashooyinka.

Guddoomiye Baashe ayaa sheegay in ay sharci darro noqonayso in ay dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada ku heshiiyaan in aan maxkamad lala aadi karin dacwadaha ka dhasha doorashooyinka.

 “Waxaan rabaa inaan caddeeyo, marka ay bilowdaan doorashooyin go’aan kaste oo ay soo saaraan guddiyadu, waxaa cabasho looga qaadan karaa maxkamada sare. Maxkamada sare ee dalkana waxay diyaar u tahay in ay ka garnaqdo cabasho kaste oo dhalata go’aan maamul oo ay gaaraan guddiyada doorashooyinka,” ayuu yiri guddoomiye Baashe.

Guddoomiyaha maxkamada sare ayaa hadalkaan ka sheegay shirka arrimaha garsoorka oo ka socda magaalada Muqdisho.

Hadalka Baashe wuxuu imaanaya xilli dalka ay kusoo wajahan yihiin doorashooyin culus oo ay ka dhalan karaan cabashooyin badan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online