4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 15, 2021
Madaafiic lagu garaacay Saldhig ciidanka Itoobiya ku leeyihiin degmada Halgan ee gobolka Hiiraan
 

Khamiis, Luulyo, 15, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in weerar madaafiic ah lagu qaaday Saldhiga ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin degmadaasi.

Madaafiicda lagu weeraray Saldhiga degmada Halgan ee ciidanka Itoobiya ayaa la sheegay iney ku dhaceen Saldhiga ciidanka Itoobiya iyo agagaarkiisa.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi madaafiicda loo adeegsaday ee lagu beegsaday Saldhiga ciidanka Itoobiya ee degmada Halgan.

Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in dhankooda ay ka jawaab celiyeen weerarka madaafiicda ah ee Al-shabaab kusoo qaadeen.

Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarka madaafiicda ah ee lagu qaaday Saldhiga ciidanka Itoobiya ku leeyihiin degmada Halgan ee gobolka Hiiraan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]