4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 14, 2021
Dhakhaatiir reer Somaliland ah oo madaarka Muqdisho taransit ku ahaa oo Hargaysa loo mastafuriyay
 

Arbaco, Luulyo, 14, 2021 (HOL) - Dhakhaatiir reer Somaliland ah, oo madaarka Muqdisho taransit ku ahaa, ayaa baasbooradi laga jeex jeexay, isla markaana la xidhay kadibna Hargaysa loo mastaafuriyay.

Dhakhaatiirta oo ka hawl gala isbitaalka Adna Adan ee Hargaysa ayaa u socday waddanka Kenya iyagoo ku safrayay baasboorka Somaliland.

"Waa shaqaale caafimaad oo tababar u socday, oo ku safrayay baasboorka Somaliland, oo fiise loogu soo saaray" sida waxa tidhi Adna Aadan Ismaaciil.

D.R Adna Aadan ayaa sheegtay in dhakhaatiirta baasabooradoodi laga jeex jeexay, isla markaana la xidhay kadibna Hargaysa loosoo mastafuriyay markii ay gadheen madaarka Aadan Cadde.

"Dadkii ka sokeeya meesha ay ku socdaan baasboorada lagama qaado, lagamana jeex jeexo, dhib kalena looma gaysto" ayay tidhi Adna.

"Meesha ay u socdaan ayaa hadii ay aqoonsantahay dalku gal ka, u ogolaata ama u diida" ayay hadalkeeda sii raacisay Adna.

D.R Adna Aadan ayaa sheegtay in falka shaqaalaheeda lagula kacay uu yahay sharci daro.

"Haday Soomaaliya garanayso sharciga dad taransit ah baasboorka kamay qaadeen oo kamay jeex jeexdeen, 3 maalmood qafaalasho kumay haysateen" ayay tidhi.

Dhakhaatiirtan ayaa markale u safri doona Kenya iyadoo baasboorada dib loogu cusboonaysiin doono waxana la filaya in ay Addisababa mari doonaan.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]