4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 14, 2021
Xukuumada Somaliland oo ka hadashay qaabka loo qaadanayo shaqaalaha madaarka Berbera
 

Arbaco, Luulyo, 14, 2021 (HOL) - Mareeyaha hay'ada duulista Somaliland Cumar Sayid Cabdilahi, ayaa sheegay in ay imtaxaan gali doonaan shaqaalaha loo qadanayo madaarka cusub ee Berbera.

Maareeyaha ayaa sheegay in dhamaan dadka danaynaya, in ay ka howl galaan madaarka cusub ay imtaxaan kuso bixi doonaan.

"Shaqaalaha madaarka waa la baahinaya, dhamaan dhalinyarada Somaliland na way soo codsanayaan" ayuu yidhi.

"Dhamaan dhalinyaradu si siman bay ugu tartami doonaa" ayuu hadalkiisa ku daray.

Mareeyaha ayaa sheegay in shirkada madaarka maamusha ay qaab qaldan u gashay howsha shaqaalaha.

"Shirkada ayaa istidhi shaqaale qorta iyadoo aan sharciga waddanka fahansanayn wixii kasoo noqdayna waa la saxay" ayuu yidhi.

Mareeyaha ayaa sheegay in gobolka Saaxil shaqaalaha laga siin doono saamiga uu sharcigu u ogolyahay.

"Sida xeerarka Waddan keenu sheegayan gobolka shaqada laga qabanayo wuxu xaq u leeyahay 10%" ayuu yidhi.

"Gobolka Saaxil 10% iyo wax kabadan ba diyaar baanu ula nahay" ayuu hadalkiisa ku daray.

Hadalka maareeyaha ayaa jawaab u ah cabasho ay dhalinyarada Berbera ka muujiyeen qaabka ay shirkada madaarka maamusha shaqaalaha u qoranaysay.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan online
[email protected]