4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 14, 2021
Bulshada rayidka oo siyaasiyiinta uga digay in ay faro galin ku sameeyaan soo xulida ergooyinka
 

Arbaco, Luulyo, 14, 2021 (HOL) - Bulshada Rayidka ah ee soomaaliya ayaa war-murtiyeed ka soo Saaray kulan ay isugu yimaadeen Garowe oo looga arrinsanayay sidii loo sameyn lahaa guddi heer qaran ah oo koor-joogtaynaya goobaha ay ka dhacayso doorashooyinka.

War murtiyeedka kasoo baxay shirkaan, ayaa loogu baaqay golaha wadatashiga qaran in ay caddeeyaan kaalinta ay bulshada rayidka ah ku leeyihiin arrimaha doorashooyinka ee soo xulista ergooyinka iyo la socodka doorashooyinka.

Bulshada rayidka waxay soo jeediyeen in la sameeyo xeerar lagu ilaalinayo xad gudubyada ka dhanka ah xuquuqda muwaadinka ee la xiriira arrimaha doorashooyinka.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online