4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 14, 2021
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo maanta gaaray Ceel Barde


Arbaco, Luulyo, 14, 2021 (HOL) - Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa maanta gaaray degmada Ceel Barde ee gobolka Bakool,halkaa oo lagu soo dhaweeyay. Mas’uuliyiinta degmada,Odayaasha dhaqanka, wax-garadka iyo qeybaha bulshada ayaa qeyb ka ahaa dadweyne badan oo isugu soo baxay garoonka diyaaradaha ee ku yaal bartamaha magaalada.

Duqa degmada Ceel Barde,Haadi Siraad Cumar oo ka hadlay soo dhaweynta ayaa  Wasiir Cabdiwahaab uga mahadceliyay dadaalladiisa ka war-qab ee degmada iyo doorarkii uu ka qaatay horumarinta degmada.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Cabdiwahaab Ugaas Xuseen ayaa dhankiisa ku sheegay socdaalka uu ku soo gaaray degmada Ceel Barde inuu qeyb ka yahay imaatinkiisi is xig xigay ee degmada, si uu ugu kuurgalo xaaladda bulsho iyo deegaan.

“Halkan oo ah magaaladii aan ku dhashay iyo magaaladeydii imaatinkan wuxuu qeyb ka yahay sidii aan horeyba ugu imaan jiray, haddana waxaan doonayaa inan la kulmo bulshada, marka kale deegaanka arko si loo dardargaliyo dadaallada horumarinta ee deegaankan.” ayuu ku daray Wasiir Cabidwahaab Ugaas Xuseen.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, wasiirkii hore ee ganacsiga ayaa socdaalkiisa Arbacada maanta oo muddo afar cisho ah qaadanaya, waa markii u horreysay ee uu deegaan doorashadiisa dib ugu soo laabanayo tan iyo markii loo magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada 4tii bishii May ee sannadkan,iyadoo muddada Ceel Barde ku suganyahay uu kulamo la qaadan doono, maamulka, waxgaradka ,odayaasha iyo qeybaha bulshada.

Iman Jama, Hiiraan Online
[email protected]