3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 14, 2021
Tirada dadka ku dhintay rabshadaha ka socda dalka Koofur Afrika oo la shaaciyay
 

Arbaco, Luulyo, 14, 2021 (HOL) - Wararkii ugu dambeeyay ee kasoo baxaya rabshadaha ka socda dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya iney korortay tirada dadka ku dhintay bananbaxyada rabshadaha wata ay dhigayaan taageerayaasha madaxweynahii hore ee dalkaasi Jacob Zuma.

Inta la xaqiijiyay ilaa 72 ruux ayaa lagu dilay rabshadaha iyo boobka ka socda dalkaasi Koofur Afrika ee ay dhigayaan dad ka careysan xariga Jacob Zuma.

War kasoo baxay Booliiska dalka Koofur Afrika ayaa lagu sheegay in 45 qof lagu dilay gobolka Gauteng, halla 27 qofna lagu dilay gobolka KwaZulu Natal ee dalkaasi Koofur Afrika.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhimashada iyo dhaawaca ugu badan ay ka dhasheen qaraxyada lagu sameeyo mashiinada lacagaha lagala baxo ee loo yaqaano ATM-ka kaasoo banaanbaxayaasha ay doonayaan iney jabsadaan si ay lacagta ugala baxaan.

Boobka iyo rabshadaha ka socda dalka Koofur Afrika ayaa bilaawday Khamiistii lasoo dhaafay kadib markii xabsi la dhigay Jacob Zuma oo ahaa madaxweynahii hore dalkaasi, waxaana xarigiisa uu noqonaya taariiqda dalkaasi madaxweynahii ugu horeysay ee la xakumo islamarkaana  xabsi la dhigo.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
7/14/2021 3:44 PM EST
Arbaco, Luulyo, 14, 2021 (HOL) - Wareegto kasoo baxday Xafiiska wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa xilka qaadis waxaa lagu sameeyay guddoomiyahii degmada Buula burte Feysal Haajir Aadan.

7/14/2021 1:20 PM EST
Arbaco, Luulyo, 14, 2021 (HOL) - Dhakhaatiir reer Somaliland ah, oo madaarka Muqdisho taransit ku ahaa, ayaa baasbooradi laga jeex jeexay, isla markaana la xidhay kadibna Hargaysa loo mastaafuriyay.

7/14/2021 11:41 AM EST
Arbaco, Luulyo, 14, 2021 (HOL) - Mareeyaha hay'ada duulista Somaliland Cumar Sayid Cabdilahi, ayaa sheegay in ay imtaxaan gali doonaan shaqaalaha loo qadanayo madaarka cusub ee Berbera.

7/14/2021 8:49 AM EST
Arbaco, Luulyo, 14, 2021 (HOL) - Guddiga dib u heshiisiinta gobolka Gedo ee uu magacaabay raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa gaaray magaalada Garbahaareey ee magaalo madaxda gobolka Gedo.

7/14/2021 8:37 AM EST
Arbaco, Luulyo, 14, 2021 (HOL) - Bulshada Rayidka ah ee soomaaliya ayaa war-murtiyeed ka soo Saaray kulan ay isugu yimaadeen Garowe oo looga arrinsanayay sidii loo sameyn lahaa guddi heer qaran ah oo koor-joogtaynaya goobaha ay ka dhacayso doorashooyinka.

7/14/2021 7:51 AM EST
Arbaco, Luulyo, 14, 2021 (HOL) - Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa maanta gaaray degmada Ceel Barde ee gobolka Bakool,halkaa oo lagu soo dhaweeyay. Mas’uuliyiinta degmada,Odayaasha dhaqanka, wax-garadka iyo qeybaha bulshada ayaa qeyb ka ahaa dadweyne badan oo isugu soo baxay garoonka diyaaradaha ee ku yaal bartamaha magaalada.

7/14/2021 7:30 AM EST
Arbaco, Luulyo, 14, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan aya sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal beeleed u dhaxeeya laba Maleeshiyo beeleed.

7/14/2021 1:58 AM EST
Arbaco, Luulyo, 14, 2021 (HOL) - Dowlada Fedaraalka Soomaaliya ayaa ka hadashay banaanbaxyo iyo rabshado xoogan oo ka socda dalka Koofur Afrika oo saameyn xoogan ku yeeshay nolasha iyo ganacsiga Soomaalida dalkaasi ku sugan.

7/14/2021 1:54 AM EST
Arbaco, Luulyo, 14, 2021 (HOL) - Gabadh lagu magacaabi jiray Hinda Cumar, ayaa inta la kufsaday kadibna lagu dilay magaalada Hargaysa, sida ay eheladeedu sheegeen.