4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 14, 2021
Hargaysa: Gabadh kufsi iyo dil layskugu daray
 

Arbaco, Luulyo, 14, 2021 (HOL) - Gabadh lagu magacaabi jiray Hinda Cumar, ayaa inta la kufsaday kadibna lagu dilay magaalada Hargaysa, sida ay eheladeedu sheegeen.

Qoyska Hinda ayaa falkan ku eedeynaya mid kamida wadayaasha basas ka iyo kirishboy giisa.

"8:40 PM ayaa bas huruuda oo laba nin saaranyihiin aansaaray, 9:00 PM waxa laygu yidhi inanti waa mayd" Hinda dumashideed ayaa sida Bulsho TV u sheegtay.

"Sidaas ayay inantii ku geeriyootay iyadoo kufsi iyo dil loogaystay" ayay hadalkeeda ku dartay.

Sidookale Hinda dumashideed waxay sheegtay in dhakhatiirtu u caddeeyeen in inanta la kufsaday intaan la dilin.

"Dhakhtar ku wuxuu yidhi waxay u dhimatay kufsi iyo dil" ayay tidhi.

Ciidanka booliiska Somaliland, ayaa baadhitaan ku haya dhacdadan iyo cidi ka danbaysay oo aan wali la helin.

Qoyska marxuumada ayaa dalbanaya in inantoodu ay hesho caddaalad.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]