4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 10, 2021
Degmada Gabilay hal qof oo ku nafwaayay barkad biyood
 

Sabti , Luulyo, 10, 2021 (HOL) - Will yar oo lagu magacaabi jiray Mustafe Barkhad, ayaa ku geeriyooday barkad ku taala deegaanka Cadda dhaadheeray ee degamada Gabilay.

Wiilka ayaa barkada utagay si uu biyo uga soo dhaamiyo subaxdii hore ee maanta.

Willka yar ayaa barkada laga soo saaray kadib markii uu dhintay.

Saraakiisha dowlada hoose ee degmada Gabilay, ayaa gaadhay goobta ay dhacdadu ka dhacday, waxayna u tacsiyeeyeen qoyska dhibanaha.

Tirada dadka ku dhinta ceelasha biyaha ayaa sare u kacday deegaanada Somaliland tan iyo markii uu bilaabmay xili roobaadka guga.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online