4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 10, 2021
Raysal Wasaare Rooble " Madaxweyne Axmed Madoobe waan kula xisaabtami doonaa masuuliyadda doorashada"
 

Sabti, Luulyo, 10, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe kula xisaabtami doono doorashooyinka aqalka hoose ee ka dhicidoono magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaareey.

Raysal wasaare Rooble ayaa u sheegay madaxweye Axmed Madoobe inuu ku kormeeri doono sida maamulkiisu u maareeyo doorashooyinka aqalka hoose iyo kuwa aqalka sare, wuxuuna u rajeeyay inuu guul ka gaaro doorashooyinkaas.

“Jubbaland waxay masuul ka tahay doorashada Kismaayo iyo Garbahaareey, waxaan masuuliyadda doorashada kala xisaabtamidoona madaxweyne Axmed. Waxaan u rajeynayaa inuu ilaaheey la garab la galo,” ayuu yiri raysal wasaare Rooble.

Rooble ayaa hadalkaan sheegay xilli uu maanta soo gabagabaynayay socdaalkiisii uu ku joogay magalada Kismaayo, isagoo ku wajahnaa magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo.

Raysal wasaaruhu wuxuu kulan dardaaran ah lasii qaatay guddiga doorashooyinka Jubbaland, isagoo kula dardaarmay in ay si dacad oo hufan u qabtaan shaqada loo igmaday.

Ugu dambayn wuxuu raysal wasaaruhu tegidoono magaalada Garbahaareey, halkaas oo uu gaarsiindoono dadaaladiisa ku aadan dib u heshiisiinta arrimaha doorashooyinka.

Guddiga dib u heshiisiinta Gedo ee raysal wasaaruhu magacaabay ayaa sidoo kale Garbahaareey tegidoona, iyagoo ka qeyb galidoono shir dib u heshiisiin ah oo raysal wasaaruhu  furidoono.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online