3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 10, 2021
Qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho
 

Sabti, Luulyo, 10, 2021 (HOL) - Qarax aad u xoogan oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa daqiiqado yar kahor  ka dhacay Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaana la sheegay in lala bartilmaameedsanayay Taliyaha Booliiska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole.

Khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la sheegaya inuu qaraxa geystay, waxaan goobta si deg deg ah u gaaray ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo xiray agagaarka goobta qaraxa ka dhacay.

Lasoco waxii kusoo kordha wararkan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
7/10/2021 2:45 PM EST
Sabti, Luulyo, 10, 2021 (HOL) - Tiro hoobiyeyaal ah ayaa daqiiqado ka hor kusoo dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya gaar ahaan agagaarka Madaxtooyada.

7/10/2021 12:03 PM EST
Sabti , Luulyo, 10, 2021 (HOL) - Will yar oo lagu magacaabi jiray Mustafe Barkhad, ayaa ku geeriyooday barkad ku taala deegaanka Cadda dhaadheeray ee degamada Gabilay.

7/10/2021 9:11 AM EST
Sabti, Luulyo, 10, 2021 (HOL) - Ra'sul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa ka dagay magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, halkaas oo si ballaaran loogusoo dhoweeyay.

7/10/2021 7:56 AM EST
Sabti, Luulyo, 10, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe kula xisaabtami doono doorashooyinka aqalka hoose ee ka dhicidoono magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaareey.

7/10/2021 6:40 AM EST
Sabti, Luulyo, 10, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ayaa kasoo baxaya qarax Ismiidaamin ahaa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxa qaraxa kaasoo la doonayay in lagu khaarajiyo Taliyaha guud ee qeybta Booliiska gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud, Farxaan Qaroole.

7/10/2021 4:06 AM EST
Sabti, Luulyo, 10, 2021 (HOL) - Taliyaha ciidanka Booliska gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole ayaa ka badbaaday Qarax loo adeegsaday gaari kaas oo lagu weeraray kolonyada taliyaha oo marayay Isgoyska Banaadir.

7/10/2021 3:12 AM EST
Sabti, Luulyo, 10, 2021 (HOL) - Ciidamada amniga Puntland oo shalay qaaday hawlgal ciidan ayaa kooxda Daacish ka saaray fariisinkoodii tuulada Timirshe ee gobolka Bari, sida lagu sheegyay qoraal kasoo baxay taliska ciiddanka nabad sugida Puntland ee PSF.

7/10/2021 2:31 AM EST
Sabti, Luulyo, 10, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya dalka Koofur Afrika gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo KwaNobuhle Township ee gobolka Eastren Cape ayaa sheegaya in halkaasi Xalay saqdii dhexe ay ka bilaawdeen rabshado xoogan oo ay daba socdeen boob loo geystay dukaamo ganacsi oo ay halkaasi ku lahayeen Muwaadiniin Soomaaliyeed.

7/10/2021 2:21 AM EST
Sabti, Luulyo, 10, 2021 (HOL) - Magaalada Jigjiga ee caasimadda degaanka Soomaalida ayaa maalmahan aad looga dareemayaa qiimaha maciishada iyo nolosha kale oo aad u kacday.

7/10/2021 1:42 AM EST
Sabti, Luulyo, 10, 2021 (HOL) - Wafdi uu hoggaaminaayo Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa in maanta ay gaaraan magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo.