4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 10, 2021
Sicir barar ballaadhan oo maalmahan laga dareemayo magaalada Jigjiga
 

Sabti, Luulyo, 10, 2021 (HOL) - Magaalada Jigjiga ee caasimadda degaanka Soomaalida ayaa maalmahan aad looga dareemayaa qiimaha maciishada iyo nolosha kale oo aad u kacday.

Waxyaabaha uu sicir bararku ku yimid ayaa u badan raashinka sida Sonkorta, Bariiska, Daqiiqda, Baastada, Saliida iyo wixii lamidka ah.

Haddaba shacabka ku dhaqan magaalada Jigjiga ayaa aad ula il daran qiimaha raashinka iyo nolosha kale ee aad u kacay, iyadoo xitaa sicir bararku saameeyay wax walba oo aad maanta suuqa uga baahato.

Meelaha uu sidoo kale saameeyay sicir bararku waxaa ka mid ah guryaha la kiraysto, iyadoo halkii qol kiradiisu ugu yaraan marayo 3000 oo birr.

Isu soo duuboo magaalada Jigjiga ayuu sicir bararku dhan walba ka saameeyay, iyadoo dhibka u badani uu taabanayo dadka danyarta ah ee waxa soo galaayi uu yar yahay, waxaa kale oo iyaguna ku dhib qaba maciishadan sare u kacday dadka shaqaalaha ah ee mushaharka ay bishii qaadanayaan uu halkiisii un yahay mar walba, halka maciishadii kalena ay maalin walba wax ku biirayaan.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]