4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 9 , 2021
Xiisado colaadeed oo u dhexeeya Puntland iyo Somaliland oo ka taagan gobolka Sanaag
 

Sabti, Janaayo, 09 2021 (HOL) - Xiisado colaadeed oo u dhexeeya Puntland iyo Somaliland ayaa lagasoo sheegayaa degaano katirsan gobolka sanaag halkaas oo ay Somaliland doonayso in ay ka sameyso diiwaan galinta codbixiyaasha doorashooyinka golayaasha barlamaanka iyo deegaanka ee kusoo wajahan Somaliland.

Masuuliyiin katirsan Somaliland oo kasoo jeeda goboladaas ayaa gaaray deegaanadaas si ay dadweynaha ugu qanciyaan in ay si ballaaran uga qeyb qaataan qaadashada kaararka codbixinta doorashada.   

Masuuliyiin katirsan Puntland oo saxaafadda kula hadlay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag ayaa sheegay in ay dagaal kala hortagayaan cid kaste oo isku dayda in ay diiwaan galin ka sameyso degaanada Dhahar, Xingalool, Buraan, Ceelaayo iyo Buuraan oo hoos yimaada Sanaag, balse ay Puntland ugu magacaaban yihiin gobolka la yiraahdo Haylaan.

Waxay masuuuliyiintu sheegeen wixii dhibaato ah ee ka yimaada diiwaan galinta in ay masuul ka ahaandoonaan siyaasiyiinta deegaanadas kasoo jeeda ee loosoo wakiishay in ay howlo siyaasadeed oo ka dhan ah Puntland ka fuliyaan halkaas.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]