4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 8 , 2021
Donald Trump oo weerar afka ah ku qaaday dadkii ka danbeeyay rabshadihii dhismaha Capitol Hill

 

Jimco, Janaayo, 08, 2021 (HOL)-  Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump oo isku muujinaya qof aan waxba kala socon weerarkii ka dhacay dhismaha Capitol Hill Koongarreeska Mareykanka aya weerar afka ah ku qaaday dadkii rabshadahaasi ka danbeeyay,

Wuxuu sheegay Trump in dadkaasi weerarka ku qaaday xarunta ay meel uga dhaceen sida uu hadalka u dhigay Dimuquraadiyada dalka Mareykanka.

Muuqaal uu soo duubay oo uu arrimahan uga hadlayay ayuu sidoo kale sheegay in uu hadda ku howlan yahay sidii uu u sameyn lahaa xil wareejin sharci ah, isaga oo intaa ku darray in maamulka cusub la caleemo saari doono 20ka bishan Janaayo.

Hadalkiisa ayaa imanaya xili xildhibanada labada Aqal ee mucaaradka ku ah madaxwyenaha ay ku baaqeen in xilka laga xayuubiyo Trump ka dib weerarkii ka dhacay dhismaha Capitol, kaasi oo ay fuliyeen taageerayaasha careysan ee Trump.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]