4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 8 , 2021
Mareykanka oo sheegay in uu duqeyn ku dilay hoggaamiyayaal sar sare oo ka tirsan Ururka Al-shabaab

 

Jimco, Janaayo, 08, 2021 (HOL)- Taliska ciidanka Mareykanka ee AFRICOM ayaa war ay soo saareen ku sheegay in duqeyn 7 bishan oo ku beegneyd maalintii shalay ka fuliyeen saaxa-weyn oo ka tirsan gobolka Baay ku dileen saraakiil sar sare oo ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Taliska ayaa sheegay in qiimeyn hor dhac ah oo ay sameeyeen ku ogaadeen in duqeyntan ay ku dhinteen Shan xubnood oo ka tirsan saraakiisha Ururka Al-shabaab.

''Qiimeynta sidoo kale waxaa ogaanay in aysan jirin cid shacab ah oo duqeyntan wax ku noqotay ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxaytaliska Mareykanka ee AFRICOM.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri ''“Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo la yaqaan ayaa weerarkan lala beegsaday kuwaasoo fududeeyey maalgelinta, hubka qaraxyada. Midkood wuxuu ku lug lahaa weerar horey loogu qaaday ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaaliya,” ayuu yiri Gen. Dagvin Anderson oo ka tirsan AFRICOM oo intaas ku daray iney sii wadi doonaan weerarada ay ku hayaan wax uu ugu yeeray kooxaha argagaxisada ah.

Mareykanka ayaa maalmihii ugu danbeeyayba weerarro is daba joog ah oo dhinaca cirka ah ku hayay xarumaha Al-shabaab ee koofurta Soomaaliya waxaana weerarradaa ka mid ahaa mid lagu burburiyay xarun Idaacadeed oo ay lahaayeen Al-shabaab oo sidoo kalana ay ku dhinteen wariyayaal ka tirsanaa Idaacada.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]