4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 7 , 2021
Qarax ka dhacay goor dhaw magaalada Muqdisho

 

Khamiis, Janaayo, 07 2021 (HOL) -  Qaraxan oo siweyn jugtiisa looga maqlay inta badan magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay KM4, gaar ahaan Waddada hormarta madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim ee degmada Hodan

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa miino dhulka lagu aasay, islamarkaana lala eegtay gaari Cabdi Bile ah oo ay saarnaayeen ciidamado ka tirsan dowladda Soomaaliya oo goobta marayay.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay Qaraxa waxaa markiiba goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya khadar kooban hakad galiyay isku socodka dadka iyo gaadiidka waddada uu qaraxu ka dhacay.

Habeen hore ayeey aheyd markii sidan oo kale miino waddada dhinaceeda la dhiggay lagu bartilmaameedsaday gaari uu lahaa afhayeenka ciidamada Booliiska waxaana qaraxaasi ka dhashay geerida qof rayid ah oo goobta ka agdhawaa.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]