3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 7 , 2021
Haweeney ku dhimatay weerar taageerayaasha Donald Trump ku qadeen xarunta Capitol Hill

 

Khamiis, Janaayo, 07 2021 (HOL) -  Haweeney ayaa lagu warramayaa in ay u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray toogasho loo geystay kaddib markii taageerayaasha madaxweyne Donald Trump weerar ku qaadeen xarunta Capitol Hill.

Muuqaallo laga duubay goobta ayaa muujiyay, dad badan oo watay calanka Trump qaar daaqadaha xarunta jebinaya kaddibna ka dusaya, qaarkood ayaa hoolka sawirro ku galayay, halka kuwo kalana ay ku qeylinayeen Trump ha joogo.

Dhacadadan waxaa siweyn u cambaareeyay madaxweynayaashii  hore ee Mareykanka  Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa arrintaasi si xooggan ugu eedeeyay Donald Trump, isagoo sheegay in inkastoo ay ceeb u soo jiideen Mareykanka, haddana aysan ahayn kuwo kedis ahaa. Sidoo kale xubno ka tirsan Jamhuuriga ayaa cambaareeyay arrintaas.

Fadhigga mudanayaasha ayaa dib u bilaawday iyadoo wararka qaarna ay sheegayaan in laga yaabo in awooda laga xayuubiyo Trump oo sikumeel gaar ah loogu wareejiyo ku xigeenkiisa Mike Pence.

Mike Gallagher oo Jamhuuriga ka tirsan ayaa sheegay in wixii shalay dhacay ay ahaayeen wax laga habboonaa. Sanatarka Ben Sasse ayaa isaguna sheegay in beentu ay cuqubo leedahay isla markaana qalalaasuhu uu ahaa mid aan laga baaqsan karin. Dhanka kalena, haweeneydii afhayeenka u ahayd Melania Trump, Stephanie Grisham, ayaa iyaduna is casishay.

Sidoo kale hoggaamiyaasha caalamka ayaa intooda badan ayaa la yaab iyo walaac ka muujiyay wixii shalay ka dhacay Mareykanka. Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres ayaa ku baaqay in la tixgeliyo hannaanka dimuqraadiyadeed. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa weerarkii lagu qaaday Capitol Hill ku tilmaamay inay ahayd wax aan Mareykanka lagu aqoon.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]  













Click here
1/7/2021 1:14 PM EST
Khamiis, Janaayo, 07, 2021 (HOL) - Shirka Golaha Wasiirradda Xukuumadda Soomaaliya oo maanta oo Khamiis ah ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu qaadacay ansixinta ilaa 12 safiir oo ay soo gudbisay Wasaarradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

1/7/2021 9:04 AM EST
Khamiis, Janaayo, 07, 2021 (HOL) - Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Cadde ayaa soo gaadhey magaalada Laascaanood xili ay soo dhowaatey waqtigii diiwaan gelinta codaynta Doorashada.

1/7/2021 5:04 AM EST
Khamiis, Janaayo, 07, 2021 (HOL) - Kongareeska Mareykanka ayaa ugu danbeyntii ansixiyay in Joe Biden yahay madaxweynaha dalka Mareykanka halka Kamala Harris ay noqoneysa madaxweyne ku-xigeenka dalka.

1/7/2021 4:25 AM EST
Khamiis, Janaayo, 07, 2021 (HOL) - Hal qof ayaa ku dhintay saddex kalana waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii subaxnimadii hore ee saakay la bartilmaameedsaday gaari ay lahaayeen ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo marayay waddada KM4 ee degmada Hodan.

1/7/2021 4:14 AM EST
Khamiis, Janaayo, 07 2021 (HOL) - Hay’adda UNHCR ayaa sheegtay in ay ka murugaysan tahay geerida 19-jir magangalyo-doon Soomaali ah oo ku sugnaa magaalada Tripoli ee dalka Libya ka dib markii laga soo saaray cusbitaalka dhammaadkii Diseembar.

1/7/2021 3:54 AM EST
Khamiis, Janaayo, 07, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xalay dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al-shabaab weerar saf ballaaran ah ku qaadeen degmada.

1/7/2021 12:26 AM EST
Khamiis, Janaayo, 07 2021 (HOL) - Qaraxan oo siweyn jugtiisa looga maqlay inta badan magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay KM4, gaar ahaan Waddada hormarta madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim ee degmada Hodan