3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 4 , 2021
Dowladda Ingariiska oo safiir cusub u soo magacaawday Soomaaliya

 

Isniin, Janaayo, 04, 2021 (HOL) -Dowladda Britain ayaa badashay safiirkeedii Soomaaliya Amb, Ben Fender iyadoo soo magacaawday safiir cusub oo noqoneysa haweeney lagu magacaabo  Kate Foster 

Safiirkan cusub Kate Foster ayaa lagu waddaa in ay  si rasmi ah xafiiska ula wareegto bisha Febraayo ee sanadkan.

Amb, Ben Fender waxaa ay Soomaaliya u soo magacaawday 30-kii Bishii Janaayo ee sanadkii 2019-kii, waxaana Soomaaliya uu ka Shaqeeynayay  ku dhawaad labo sannadood.

Dowladda Britain ayaa safiirkeedan cusub waxaa ay noqoneysaa haweeneydii labaad oo safiir uga noqonta Soomaaliya laga soo bilaabo tan iyo 2012.

Baritan waxaa ay ka mid tahay dowladda taageerra Soomaaliya saameynta weynna ku leh siyaasadda dalka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]     
















Click here
1/4/2021 3:46 PM EST
Isniin, Janaayo, 04, 2021 (HOL) - Sacuudi Carabiya ayaa dib u furi doonta hawadeeda iyo soohdinta dhulka iyo badda ee Qatar laga bilaabo Isniinta caawa, Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuweyt ayaa sidaasi sheegay, isagoo tixraacayay heshiis lagu xallinayo khilaaf siyaasadeed ee horseeday Riyadh iyo xulafadeeda inay go’doomiyaan Qatar.

1/4/2021 6:29 AM EST
Isniin, Janaayo, 04, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland ayaa soo saaray amar ku wajahan Sheekh Cabdulxaq Xasan Macalin oo loo yaqaano Sheekh Rusheeye oo shalay galinkii dambe gaaray magaalada Gaalkacyo si uu halkaasi uga bilaabo howlaha Quraan saarka ah ee uu bulshada u haayo.

1/4/2021 5:04 AM EST
Isniin, Janaayo, 04, 2021 (HOL) - Ururka warbaahinta Puntland MAP ayaa afduub ku tilmaamay xarriga weriye lagu magacaabo Kilwe Adan Faarax oo kamid ah saxafiyiinta ka howlgali jiray Garowe, kaas oo maalintii 8aad u xiran Hay’adda Sirdoonka iyo nabadsugidda Puntland (PISA).

1/4/2021 3:19 AM EST
Isniin, Janaayo, 04, 2021 (HOL) - Ninkan oo maalmhii aynu soo dhaafnay siweyn uga soo muuqday baraha bulshada isaga oo rasaas ku ridaya gabdho Soomaaliyeed oo ku dibadbaxayay magaalada Muqdisho ayeey dowladdau xaqiijisay in uu ka tirsanaa ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

1/4/2021 2:20 AM EST
Isniin, Janaayo, 04, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay xarunta madaxtooyada kulan saacado badan qaatay kulan yeeshay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-Gareen.

1/4/2021 1:53 AM EST
Isniin, Janaayo, 04, 2021 (HOL) - Midowga musharixiinta ayaa ku gacan seyray go'aankii ay dowladda Soomaaliya uga mamnuucday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho hubka marka laga reebo hubka ay wattaan madaxda sare ee dowladda Soomaaliya.

1/4/2021 1:12 AM EST
Isniin, Janaayo, 04, 2021 (HOL) - Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in xalay uu ka dhacay gudaha degmada.

1/4/2021 12:50 AM EST
Isniin, Janaayo, 04, 2021 (HOL) - Al-shabaab ayaa sii deysay fariin maqal iyo muuqaal ah oo hogaamiyahooda, Abu Ubaidah oo uu kaga hadlayo 5 dagaalyahan oo ka tirsan kooxdooda, oo weerar ku qaaday saldhigga ciidamada badda Mareykanka ee Lamu Kenya.