4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 4 , 2021
Maamulka gobolka Mudug oo soo saaray amar lagu joojinaayo Quraan saarka Sheekh Rusheeye
 

Isniin, Janaayo, 04, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland ayaa soo saaray amar ku wajahan Sheekh Cabdulxaq Xasan Macalin oo loo yaqaano Sheekh Rusheeye oo shalay galinkii dambe gaaray magaalada Gaalkacyo si uu halkaasi uga bilaabo howlaha Quraan saarka ah ee uu bulshada u haayo.

Cabdaladhiif Muuse Nuur oo ah guddoomiyaha maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa soo saaray qoraal uu ku bixinaayo amar ah in la joojiyo howlaha Quraan saarka ee uu doonayo inuu Sheekh Rusheeye ka bilaabo magaalada Gaalkacyo.

Cabdaladhiif ayaa taliyaha Booliiska gobolka Mudug ee maamulka Puntland ku amray inuu arintaasi joojiyo ilaa laga xaqiijinayo howlaha Sheekh Rusheeye uu u yimid Gaalakacyo ayaa lagu yiri warqada qoraalka ah ee kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha gobolka Mudug.

Ugu dambeyntii amarkan kasoo baxay guddoomiye Cabdaladhiif ayaa waxaa si weyn u hadal haayo shacabka magaalada Gaalkacyo waxaana xusid mudan in Sheekh Rusheeye uu xarumo waa weyn ku leeyahay magaaloyinka Garoowe iyo Boosaaso oo ah magaaloyin ugu waa weyn deegaanada Puntland.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]