4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 4 , 2021
Dagaal culus oo xalay degmada Afgooye ku dhaxmaray ciidamada dowladda iyo Al-shabaab

 

Isniin, Janaayo, 04, 2021 (HOL) -  Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in xalay uu ka dhacay gudaha degmada.

Dad ku sugan Afgooye ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalkan uu qarxay kaddib markii xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab weerar culus ku qaadeen Barkootarool oo ay deggenaayeen ciidamada dowladda halka lagu magacaabo Mukeyga, waxaana labada dhinac ay isku weydaarsadeen iska horimaad hub noocyadiisa kala duwan..

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda oo dhankooda ka hadlay iska horimaadka xalay ka dhacay degmada Afgooye ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weerar uga yimid dagaalamayaasha Al-shabaab.

AMISOM ayaa la sheegay in dhowr madaaficda hoobiyaha ah  ku tureen dhinaca ay dagaalka ka soo qaadeen Al-Shabaab, lamana oga cid wax ku noqotay madaafiicda ay adeegsadeen ciidamada AMISOM.

Degmada Afgooye ayaa marka la eego guud ahaan gobolka Shabeellaha Hoose waxaa la oran karaa waa xuddunta weerarrada Ururka Al-shabaab oo inta badan bartilmaameedsada xarumaha iyo saldhigyada ciidamada dowladda.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]