5/11/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 3 , 2021
Qaraxyo dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay degmada Balcad


 

Axad, Janaayo, 03, 2021 (HOL) -  Warar ka imanaya degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya halkaa ka dhaceen qaraxyo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Labadan Qarax oo  siweyn jugtooda looga maqlay degmada ayaa ka dhacay Barkoontarool oo dhinac galbeedka uga taala degmada Balcad

Qaraxa hore oo ka dhacay Bartakoontarool ayaa waxaa ku dhintay Labo ruux, hasse ahaatee wax yar uu kaddib markii ay goobta gaareen ciidamo ka tirsan maamulka iyo dadweyne kale ayaa waxaa dhacay qaraxa labaad oo sababay dhaawac in ka badan 10 ruux ciidamo iyo dad shacab ah isugu jira.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada oo la xiriira qaraxyadan, waxaana muuqata in qaraxyada u ekayeen kuwo mar horeba goobta  lagu sii diyaariyay.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]  

















Click here
1/3/2021 9:43 AM EST
Axad, Janaayo, 03, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw Xabsiga dhexe ee magaalada Baledweyne laga sii daayay ku dhawaad 10 dhalinyaro ah oo mudo laba todobaad ah ku xirna Xabsiga Baledweyne.

1/3/2021 8:54 AM EST
Axad, Janaayo, 03, 2021 (HOL) - War Qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidanka Mareykanka ee Africa ee loo soo gaabiyo '' AFRICOM'' ayaa lagu sheegay in duqeymihii ugu danbeeyay oo ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose ku dileen xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab dhinaca kalana burburiyeen xarumo muhiim u ahaa.

1/3/2021 7:55 AM EST
Axad, Janaayo, 03, 2021 (HOL) - Wasaaradda amniga gudaha ayaa soo saartay amar lagu mamnuucayo in hub lala galo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

1/3/2021 5:37 AM EST
Axad, Janaayo, 03, 2021 (HOL) - Golaha midowga murashixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo saaray digniin ku saabsan halista heshiis qarsoodi ah oo shidaal baaris ah oo ay dowladda federalku la galayso shirkaddo shisheeye.

1/3/2021 4:30 AM EST
Axad, Janaayo, 03, 2021 (HOL) - Wasiirkii hore xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa Jubbaland ahaana Xildhibaan katirsan Jubaland, Maxamed Nuur Buule, ayaa sheegay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe inuu Kenya la galay heshiis qabyo ah oo ku saabsan in Jubbaland ay tahay gobol kamid ah Kenya.

1/3/2021 3:44 AM EST
Axad, Janaayo, 03, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa safar deg deg ah ku taggay xerrada Ballidoogle ee gobolka Shabeellaha hoose halkaa oo fariisin u ah ciidamada Mareykanka.

1/3/2021 2:07 AM EST
Axad, Janaayo, 03, 2021 (HOL) - Wararka ka imanaya gobolka Baay ayaa sheegay in howlgal saacidihii ugu danbeeyay ay sameeyeen ciidamada Koomaandooska Guutada 16aad ee DANAB ku burburiyeen xarumo waaweyn oo ay lahaayeen xoogagga Ururka Al-shabaab.

1/3/2021 1:47 AM EST
Axad, Janaayo, 03, 2021 (HOL) - Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle ayaa dood adag ka yeeshay sida laga yeelayo 17 xildhibaan oo la sheegay in ay ka dhiman yihiin wali tirada guud ee Baarlamaanka Dowlad Gobolleedkan,

1/3/2021 1:01 AM EST
Axad, Janaayo, 03, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa xalay dadkii ku dhaawacmay weerarkii ismiidaaminta ahaa lagu qaaday Injineerrada Turkiga ee dhismaha ka wadda wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.