4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 3 , 2021
Ra'iisal Wasaare Rooble oo safar deg deg ah ku taggay xerrada Ballidoogle

 

Axad, Janaayo, 03, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble  ayaa safar deg deg ah ku taggay xerrada Ballidoogle ee gobolka Shabeellaha hoose halkaa oo fariisin u ah ciidamada Mareykanka.

Ra'iisal Rooble ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaya xubno ka tirsan xukuumaddiisa isaga oo halkaa u guurgalaya xaalada ciidamada Mareykanka iyo kuwa DANAB ee ku sugan fariisinka ku leh xerrada.

Waxaa lagu wadaa in Ra'iisal Wasaaruhu kulamo kala duwan la qaato saraakiisha ciidamada Mareykanka ee tababarka siinaya ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa DANAB, oo ka mid ah ciidanka xoogga dalka.

Waxa kaloo Ra'iisal Wasaaruhu qiimeyn doonaae xerada Balidoogle oo tababaro gaar ah lagu siiyo ciidamada Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed.

Booqashadan ayaa imeysa xilli Mareykanka uu qorsheynayo in maalmaha soo socda ciidamadiisa uu kala baxo gudaha Soomaaliya, waxaana go’aankaasi horey ugu dhowaaqay madaxweynaha laga guuleystay ee Donald Trump.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]