4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 3 , 2021
Ciidanka DANAB oo sheegay in ay burburiyeen xarumo ay lahaayeen Ururka Al-shabaab.

 

Axad, Janaayo, 03, 2021 (HOL) - Wararka ka imanaya gobolka Baay ayaa sheegay in howlgal saacidihii ugu danbeeyay ay sameeyeen ciidamada Koomaandooska Guutada 16aad ee DANAB ku burburiyeen xarumo waaweyn oo ay lahaayeen xoogagga Ururka Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay howlgalkan ay ku qabteen xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab iyo agab ay lahaayeen sida mootooyin ay u isticmali jireen weerarrada iyo dilalka qorsheysan.

Ciidamada ayaa howlgalkan gaar ahaan ka fuliyay deegaanno ay ka mid yihiin Buur Heybe, Jiira Koolow, Durdurow, saax-weyn iyo Yaaq-doomaar, kuwaasoo hoos-taga degmada Buurhabaka.

Ciidanka Kumaandooska DANAB ayaa howlgallo ka fuliya deegaanada Al-Shabaab ku sugan yihiin, waxaana howlgalada qaar kala qeyb qaata Ciidamada Mareykanka ee tababarka siiya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]