4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 24, 2021
Shirka guddiga Sare ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed oo Muqdisho lagusoo gabagabeeyay
 

Axad, Janaayo, 24 2021 (HOL) - Wasiirka qorshaynta Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay inuu soo dhamaaday shir u socday gudiga Sare ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed oo shir gudoominayey Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Soomaaliya.

Gudigan oo ka kooban 19 xubnood oo ay ka mid yihiin 11 Wasiir iyo Raktarka Jaamacadda, ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan guulaha ay gaadhay jaamacaddu, shaqooyinka ay hada gacanta ku hayso iyo hiigsiga sanadaha soo socda.

Guddiga waxay wax aad loogu farxo ku tilmaameen in faraca Puntland ee Jaamacadda Umadda ee ku yaal degmadda Badhan oo ah faracii ugu dambeeyey ee jaamacadda lagu soo daro ay ka socoto shaqo wanaagsan, marka loo eego ardayda dhigata iyo kuliyadaha ay wax ka bartaan.

“Waxaan mar kale hambalyo u dirayaa maamulka, ardayda, waalidiinta iyo shaqaalaha faraca Jaamacadda Umadda ee xarunteedu tahay magaalada Badhan, waxaana u rajaynayaa mustaqbal wanaagsan iyo in ay noqdaan xarunta aqoonta iyo horumarka dalka,” ayuu yiri wasiirka qorshaynka qaranka.

Wasiirku wuxuu sheegay in dowladdu ay sii xoojin doonto tayaynta iyo horumarinta jaamacadda guud ahaan, faracyadda ku yaal meelaha fog fog sida kan Badhan ee Puntland.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]