5/9/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 24, 2021
Mareykanka oo digniin ka soo saaray doorashada Soomaaliya


 

Axad, Janaayo, 24, 2021 (HOL) -War ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa looga hadlay doorashada Soomaaliya iyo walwalka Mareykanku uu ka qabo is mari-waaga ka  taagan qabashada doorasho leysla ogol yahay.

Warka ka soo baxay safaaradda ayaa lagu sheegay in marnaba aan la aqbali doonin in ay dalka ka dhacaan doorashooyin is barbar socda ama doorasho hal dhinac ah oo kaliya, sidoo kale waxaa laga digay qalalaase dalka dhaca kaasoo salka ku haya arrimaha doorashooyinka.

Warka ka soo baxay saafaraadda ayaa imanaya xili wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya ay cadaadis weyn ku saarayaan dhinacyada Soomaalida in ay ka heshiiyaan khilaafka ka taaggan doorashada iyadoo muddo xileedka dowladda hadda jirta uu sii dhamaanayo.

Dhinacyada Soomaalida ayaa isku khilaafsan guddiyada doorashada federaalka, kan Somaliland iyo weliba sida doorashadu uga dhacayso gobolka Gedo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]     


 















Click here
1/24/2021 2:02 PM EST
Axad, Janaayo, 24 2021 (HOL) - Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Jamed Swan, ayaa madaxwenynaha Galmudug, Axmed Qoorqoor ku ammaanay isku dayga lagu xallinayo khilaafka ka dhashay hirgelinta qorshaha doorashada.

1/24/2021 1:40 PM EST
Axad, Janaayo, 24 2021 (HOL) - Wasiirka qorshaynta Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay inuu soo dhamaaday shir u socday gudiga Sare ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed oo shir gudoominayey Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Soomaaliya.

1/24/2021 12:56 PM EST
Axad, Janaayo, 24, 2021 (HOL) -Dagaal culus oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa galabta deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug ku dhaxmaray ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka oo isku dhinac ah iyo xoogagga Ururka Al-shabaab.

1/24/2021 9:37 AM EST
Axad, Janaayo, 24 2021 (HOL) - Shirkan oo ay ka soo qeybgalleen dhamaanba xubanaha guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa looga wada hadlayaan mudo Afar maalmood ah oo uu socon doono wixii u qabsoomay guddigan muddadii uu soo dhisnaa.

1/24/2021 9:28 AM EST
Axad, Janaayo, 24 2021 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay xubnaha Urur la baxay Islamic State Center oo looga dhawaaqay gudaha dalka Itoobiya.

1/24/2021 8:57 AM EST
Axad, Janaayo, 24 2021 (HOL) - Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Mudane James Swan

1/24/2021 7:44 AM EST
Axad, Janaayo, 24 2021 (HOL) - Dowladda Itoobiya aya qunsul cusub u soo magacaabatay qunsuliyada ay ku leedahay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, waxaana uu maanta qunsulka cusub la kulmay madaxweyne Deni.

1/24/2021 6:09 AM EST
Axad, Janaayo, 24 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo ay Xalay ku qaadeen dhaqdhaqaaqa Al-shabaab degmooyinka Buulaburte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

1/24/2021 4:43 AM EST
Axad, Janaayo, 24 2021 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Ali Dahir Ciid ayaa maanta Magaalada Dhusamareeb ee Caasimada Galmudug kusoo dhaweyay wafdi u hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay uqaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan.

1/24/2021 3:53 AM EST
Axad, Janaayo, 24 2021 (HOL) - Afhayeenka Ururka ONLF Cadaani Hirmooge oo saxaafada la hadlay ayaa beeniyay wararka sheegayay in la badalay guddoomiyaha ONLF Cabdiraxmaan Maadey.

1/24/2021 2:10 AM EST
Axad, Janaayo, 24 2021 (HOL) - Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii ugu danbeeyay siweyn u adkeeyay amaanka magaalada Muqdisho oo maalmihii ugu danbeeyay lagu dilay mas'uuliyiin iyo saraakiil ciidan kaddib qaraxyo iyo weerarro lagu bartilmaameedsaday.

1/24/2021 12:29 AM EST
Axad, Janaayo, 24, 2021 (HOL) -Laamaha Amniga dowlad gobolleedka Galmudug ayaa ilaa shan ruux u soo xir xiray dil dhawaan ka dhacay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud